“Tani waa waxa iigu welwelka badan kahor Koobka Adduunka ee Qatar” – Messi

(Argentina) 15 Okt 2022. Lionel Messi, kabtanka xulka qaranka Argentina, ayaa muujiyay sida uu uga walaacsan yahay dhaawaca soo gaaray saaxiibadiisa Paulo Dybala iyo Ángel Di María, dhowr toddobaad kahor inta uusan bilaaban Koobka Adduunka ee Qatar 2022.

Messi qudhiisa ayaa dhawaan dhaawac fudud soo gaaray, kaasoo ka reebay labadii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa Paris Saint-Germain, laakiin waxay u muuqataa inuu diyaar u yahay ka qeyb galka kulanka ay la ciyaarayaan naadiga Marseille, kaddib markii uu ka soo kabsaday dhaawacii ka soo gaaray lugta.

Inta lagu guda jiray wareysi uu siiyay “DirectTV Sports”, Messi wuxuu yiri, “Waxaan rajeynayaa in Di María iyo Dybala ay soo kabtaan, welina waqti ayey u heystaan ​​taas.”

“Waxaan rajeyneynaa in dhamaan ciyaartoyda ay ku gaari doonaan koobka aduunka xaalad wanaagsan, cabsida dhaawaca ayaa jirta, laakiin waxaa fiican inaad si caadi ah u ciyaarto.”

35-sano jirkaan ayaa tilmaamay in jawiga Koobka Adduunka ee soo socda uu yahay mid ka duwan sidii hore, marka loo eego in la qaban doono dhamaadka sanadkan, isagoo intaa ku daray:

“Waxaa jira waxyaabo dhici kara oo ciyaartoyda qaar kahor istaagi kara. ka qaybqaadashada Koobka Adduunka.”

Xulka qaranka Argentina ayaa ku jira Group C, waxaana ku wehliya Saudi Arabia, Mexico iyo Poland.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/Z9Yf32L
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments