(Manchester) 15 Okt 2022. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Liverpool ay wali tahay kooxda kula loolameysa horyaalka Premier League, kahor kulanka ay labada kooxood Axada ku wada ciyaari doonaan garoonka Anfield.
Guardiola ayaa sheegay in Liverpool ay wali ku jirto tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Ingariiska inkasta oo Sky Blues laga yaabo in ay 16 dhibcood ka fogaato Liverpool hadii ay ka badiso kulanka soo socda.
Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:
“Fikirkayga wuxuu yahay inaysan waxba iska bedelin Liverpool, iyadoon loo eegin booska ay ka joogaan miiska kala sarreynta, waxay u tartamayeen afar koob xilli ciyaareedkii hore.”
“Waxba way ku guuleysan waayeen sababtoo ah faahfaahino yaryar, waxay heystaan isla kooxdii, dabcan waxaan la kulmi doonaa waqtiyo xun, tani waa dabeecadda tartanka.”
“Waan garanayaa tayada kooxda Liverpool sidoo kale way garanayaan tayada aan haysano, hadii xilli ciyaareedka uu ka harsanaan lahaa 10 kulan oo kaliya, waxaan dhihi lahaa Liverpool ma tartami karto laakiin koobka adduunka kaddib wax badan ayaa isbedeli kara.”
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/2CnApcu
via IFTTT
0 Comments