(London) 30 Sebt 2022. Arsenal ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto adeega xiddiga reer Serbia ee Dušan Vlahović markii uu ahaa ciyaaryahan Fiorentina ah, laakiin wuxuu doorbiday inuu u dhaqaaqo Juventus.
Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska Daily Mail, Arsenal ayaa weli ku adkeysaneysa fikradda qandaraaska ee Dušan Vlahović inta lagu jiro suuqa kala iibsiga Janaayo.
Wargeyskan England ka soo baxa ayaa sheegay in Vlahović, inkastoo Arsenal ay xiiseyneyso adeegiisa, haddana waxaa ka go’an inuu sii joogo Juventus.
Vlahović waa 22 sano jir, wuxuu ku fiican yahay ka ciyaarista weerarka dhexe, waxaana uu qandaraas kula jira Juve ilaa June 2026.
Xiddiga reer Serbia ayaa u dhaqaaqay Juventus bishii Janaayo 2022 isagoo ka yimid Fiorentina, tan iyo markaas wuxuu kooxda u ciyaaray 29 kulan tartamada oo dhan ah, isagoo u dhaliyay 13 gool, halka sidoo kale uu caawiyay 2 gool kale.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/VzRPb8a
via IFTTT
0 Comments