RASMI: Super Mario Balotelli oo ku biiray Kooxdiisii 11-aad ee xirfaddiisa ciyaareed

(Sion) 01 Sebt 2022. Weeraryahan Super Mario Balotelli ayaa ka tegay kooxdiisii Adana Demirspor ee dalka Turkiga isagoo ku biiray naadiga FC Sion ee Waddanka Switzerland oo uu u ciyaari doono 2 xilli ciyaareed.

Balotelli oo muddo hal sano ah u soo ciyaaray Adana Demirspor ayaa wuxuu u dhaliyay 21 gool.

Kulankiisii ugu dambeeyay ee Kooxda Adana Demrispor waxa ay isku dheceen Macallinkiisii Vincenzo Montella.

Balotelli oo ciyaarihiisa ka soo billaabay kooxda reer Talyaani ee Lumezzane ayaa u soo ciyaaray Kooxaha Man City, Inter Milan, AC Milan, Liverpool, Nice, Marseille, Brescia, Monza iyo Adana Demirspor ka hor inta uusan u wareegin Naadiga reer Switzerland ee FC Sion, taasoo ka dhigan inuu xirfaddiisa ciyaareed u ciyaaray 11 kooxood.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/awzoYn7
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments