(Manchester) 01 Sebt 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa dhammaystirtay saxiixa Manuel Akanji oo ay adduun dhan 15 milyan oo gini uga soo qaateen naadiga reer Jarmal ee Borussia Dortmund.
27-sano jirkaan daafaca dhexe ka ciyaara ayaa heshiis shan sanadood ah qalinka ugu duugay Man City, kaasoo kooxda ku sii hayn doona illaa xagaaga 2027-ka.
Daafaca xulka qaranka Switzerland u saftay 41-ka kulan ayaa noqonaya saxiixii lixaad oo ay xagaagan sameyso Kooxda Manchester City, kaddib Stefan Ortega Moreno, Kalvin Phillips, Sergio Gomez, xiddigii ay ka wada tirsanaayeen Dortmund ee Erling Haaland iyo Julian Alvarez.
Inkastoo uu lambarka 16-aad u qaadan jiray Kooxda Dortmund ayaa hadda Akani waxa uu naadiga ku dheesha garoonka Etihad u xiran doonaa lambarka 25-aad.
Lambarka 25-aad waxaa Man City u xiran jiray halyeygooda ahaa kabtankii kooxda Club ee Fernandinho ka hor inta uusan xagaagan soo gabagabaynin sagaal sanadood oo uu joogay garoonka Etihad.
Waxaa xiddigaha kale oo lambarka 25-aad u soo xirtay City ka mid ah Wayne Bridge iyo Emmanuel Adebayor.
SAWIRRO:



Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/Wjo83lD
via IFTTT
0 Comments