(Manchester) 01 Sebt 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhowaaqday inay adduun dhan 85.5 milyan oo gini kula soo wareegtay Antony.
Maanta ayay kooxda Manchester United si rasmi ah u soo bandhigtay Antony, kaasoo ah saxiixooda labaad ee ugu qaalisan taariikhda naadiga, kaddib markii ay 85.5 milyan oo gini uga soo qaateen Ajax.
Weeraryahankan reer Brazil ayaa maanta si rasmi ah loo bandhigay iyadoo uu garab taagnaa Macallin Erik Ten Hag, waxaana uu qalinka ugu duugay kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford qandaraas ku eg illaa sanadka 2027-ka oo uu ku jiro qiyaar ah in sanad kale oo dheeri ah lagu kordhin karo haddii loo baahdo.
Wadar ahaan, waxa uu ka tagay Kooxda Ajax isagoo dhaliyay 24 gool, isla markaana u sameeyey 22 caawin 82 kulan oo uu u saftay, waxaana uu ka mid ahaa xiddigihii ka caawiyey inay ku guleystaan labadii horyaal ee ugu dambeeyay horyaalka Holland iyo sidoo kale Dutch Cup 2021.
Kulanka caawa ee Leicester City ma ciyaari doono Antony, balse waxa uu diyaar yahay kulanka xiga ee kooxda Manchester United ay la leedahay Arsenal.
Man United ayaa weli shaacin lambarka uu u xiran doono Antony, balse waxaa la filayaa inuu midkood xiran doono 15 ama 21 sida wargeysyada qaarkood ay tilmaamayaan.
SAWIRRO:




Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/398wJZp
via IFTTT
0 Comments