Horudhac: Real Madrid vs Barcelona… (Xaqiiqooyinka aad uga baahan tahay kulankan weyn ee El Clasico)

(Madrid) 16 Okt 2022. Mid ka mid ah kulamada ugu waaweyn ee jadwalka kubadda cagta ayaa ka dhici doona garoonka Santiago Bernabéu galabta oo Axad ah, iyadoo Real Madrid ay soo dhaweyn doonto kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona kulanka lugta hore El Clasico horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Labada kooxood ayaa si isku mid ah hoggaanka ugu haya kala saraynta horyaalka Spain iyaga oo isku dhibco ah, waxayna wada leeyihiin min 22 dhibcood, kadib markii ay soo ciyaareen 8 kulan tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan 2022-23.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Kooxaha: Real Madrid vs Barcelona

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 05:15 Galabnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Santiago Bernabéu

Garsooraha: José María Sánchez Martínez (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Real Madrid ayaa mar kale waayi doonta adeega Dani Ceballos dhaawac muruqa ah dartiis, halka Thibaut Courtois uu ku guul daraystay inuu ka soo kabto dhaawacii dhanka dhabarka ka soo gaaray kahor ciyaarta El Clasico.

Andriy Lunin ayaa qarka u saaran inuu buuxiyo booska Thibaut Courtois, halka Antonio Rudiger uu taam yahay inkastoo uu dhaawac xun ka soo gaaray madaxa markii uu dhaliyay goolkii barbaraha ee kooxdiisa kulankii Shakhtar ee Champions League.

Dhanka Barcelona, ​​Jules Kounde ayaa la filayaa inuu kasoo kabsado dhaawaca uu kaga maqnaa kooxda reer Catalonia, iyadoo xiddiga reer France la filayo inuu ka garab ciyaaro Eric Garcia, isagoo bedelaya Gerard Pique.

Memphis Depay, Hector Bellerin, Ronald Araujo iyo Andreas Christensen ayaa weli dhaawac ku maqan, laakiin kooxda Xavi ayaan wax walaac ah ka qabin taam ahaanshahooda tartanka.

Alejandro Balde ayaa laga yaabaa inuu ka ciyaaro dhanka daafaca bidix, halka Ansu Fati laga yaabo inuu booska kala baxo Raphinha si uu ugu soo bilowdo, isla markaana uu kaga garab ciyaaro Ousmane Dembele iyo Robert Lewandowski.

Frenkie de Jong ayaa ah dookh uu ku badali karo khadka dhexe, laakiin waxa ay u muuqataa in Sergio Busquets uu markale khadka dhexe kala ciyaari da’yarta Gavi iyo Pedri.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Real Madrid ayaa muujisay in ay aad uga awood badan tahay Barcelona iyo waliba kooxaha kale ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore iyaga oo ugu danbayn ku dhamaystay iyada oo 13 dhibcood oo nadiif ah ka sarreysa naadiga reer Catalonia, laakiin waxa ay u muuqataa in tartanka horyaalka xilli ciyaareedkan uu noqon doono mid aad uga duwan sidaas.

>- Kooxda Carlo Ancelotti ayaa badisay 7 kulan halka ay hal bar-baro gashay sideedii kulan ee ay ciyaartay xilli ciyaareedkan iyaga oo urursaday 22 dhibcood laakiin taasi way ku filnaan weysay si ay ugu fariistaan hoggaanka horyaalka, maadaama Barca ay farqi goolal ah ku hoggaamineyso.

>- Los Blancos ayaa badisay afar ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay la ciyaartay Barcelona, ​​laakiin waxa ay guuldaro 4-0 ah kala kulantay kooxdan ay xafiiltamaan kulan ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu xilli ciyaareedkii hore.

>- Kooxda Xavi ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay la ciyaartay Real Sociedad, Rayo Vallecano, Sevilla, Cadiz, Elche, Mallorca iyo Celta Vigo, waxaana ay dhaliyeen 20 gool, waxaana laga dhaliyay hal gool oo kaliya, waxaana la dhihi karaa waxay si fiican ku bilowdeen ololahooda horyaalka Spain.

>- Barcelona dhab ahaantii kuma aysan guuleysan La Liga tan iyo xilli ciyaareedkii 2018-19, waxaana laga yaabaa inay si buuxda diiradda u saaraan horyaalka haddii ay awoodi waayaan inay illaashadaan booskooda wareega xiga ee Champions League.

>- Horyaalka laguma guulaysan doono ama cidna looma caleemo saari doono Isbuucan, laakiin guul ay gaaraan labada kooxoodba waxay ka dhigi doontaa inay kalsooni buuxda siin doonto xilli hore oo ololahooda horyaalka Spain xilli ciyaareedkan.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Real Madrid XI: Lunin; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Modric, Tchouameni, Kroos; Valverde, Benzema, Vinicius.

Barcelona Xi: Ter Stegen; Roberto, Kounde, E Garcia, Balde; Gavi, Busquets, Pedri; Dembele, Lewandowski, Fati.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/jecxfD7
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments