Horudhac: Liverpool vs Manchester City… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka weyn ka dhacaya garoonka Anfield)

(Liverpool) 16 Okt 2022. Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa la kulmeysa naadiga ay xilfaltamaan ee Liverpool kulanka adag ee maqribnimada maanta oo Axad ah lagu balansan yahay inuu ka qabsoomo garoonka Anfield.

13-dhibcood ayaa durba kala saareeyaan labada kooxood, Reds ayaa guuldarro 3-2 ah kala kulantay Arsenal isbuucii hore halka Manchester City ay 4-0 ku garaacday Southampton.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Kooxaha: Liverpool vs Manchester City

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:30 Maqribnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Anfield

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Wararka Kooxaha:-

Xiddigaha Arthur Melo, Luis Diaz, Joel Matip, Trent Alexander-Arnold, Naby Keita iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa weli ka maqan safka kooxda Liverpool, laakiin Curtis Jones ayaa fursad u heysta inuu kulankan ka qeyb galo.

Andy Robertson ayaa awooday in uu kursiga kaydka ka soo kaco kulankii Champions League ee ay guusha ka gaadheen Rangers waxana uu haatan diyaar u yahay in uu booska daafaca bidix ka badalo Kostas Tsimikas.

Ibrahima Konate ayaa sidoo kale shaki ku jira ka qeyb galkiisa kulankan maadaama uu dhawaan dhaawac muruqa ah ka soo laabtay, sidaas darteed Joe Gomez ayaa laga yaabaa inuu buuxiyo booskiisa iyadoo James Milner ay u badan tahay inuu ka soo muuqdo dhanka daafaca midig.

Marka la eego Qolka labiska ee kooxda Man City, Guardiola ayaana xaqiijiyay in Erling Haaland uu hoggaamin doono dhanka weerarka weerarka kooxda kaddib markii la nasiyay si taxadar leh bartamihii isbuuca.

Dhinaca kooxda horyaalka difaacanaysa waxa dhaawacyo kaga maqan Kyle Walker, John Stones iyo Kalvin Phillips. Manuel Akanji iyo Ruben Dias ayaa la filayaa inay labada daafac dhexe kusoo bilawdaan.

Phil Foden iyo Bernardo Silva ayaa sidoo kale qarka u saaran inay ku soo biloowdaan safka hore, taasoo ka dhigeysa in Ilkay Gundogan oo kursiga keydka la dhigi doono.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Shantii sano ee la soo dhaafay, tartanka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaad ​​mar walba ku soo idlaanayay, kaddib dagaal xoogan ee dhax mara labada kooxood Liverpool iyo Man City, laakiin tababaraha Reds Jurgen Klopp ayaa hore u qirtay in kulanka Axadda aanu go’aamin doonin masiirka horyaalka ee kooxdiisa.

llllllllllllllllllllllllllllllllllllllllll

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Liverpool XI: Alisson; Milner, Gomez, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Nunez, Jota.

Manchester City XI: Ederson; Cancelo, Akanji, Dias, Ake; Silva, Rodri, De Bruyne; Foden, Haaland, Grealish.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/hn16cHZ
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments