(Liverpool) 15 Okt 2022. Tababaraha Jarmalka ee Jürgen Klopp ayaa sheegay inuusan dooneynin weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Núñez inuu ku mushquulo tartanka xiddiga Manchester City Erling Haaland, kaddib markii ay ahaayeen labadii saxiix ee ugu weyn suuqa xagaagii hore.
Nunez ayaa Liverpool kaga soo iibsatay rikoor jabiyay £85m wuxuuna ku guulaystay dagaalkiisii ugu horreeyay ee tooska ah Community Shield kaddib markii uu gool ka dhaliyay isla markaana rigoore ka dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay ee City, laakiin markaas Haaland ayaa intaas kaddib bandhig xoogan la yimid, isaga oo dhaliyay 20 gool,13 kulan oo uu ciyaaray.
Darwin Núñez ayaa dhankiisa soo laabasho wanagsan sameeyay dhawaan kaddib markii uu laba kulan oo xiriir ah gool ka dhaliyay, kuwaasoo kala ah kooxda Arsenal horyaalka Premier league iyo waliba kooxda Rangers ee tartanka champions League.
Tababaraha Jarmalka ee Jürgen Klopp ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kula dardaarmaayay Darwin Núñez, wuxuuna yiri;
“Waxaan rajeynayaa inuusan ku jirin isbar-bardhigga Erling Haaland.”
“Waa inaan la isbar-bardhigin, waxaan rajaynayaa inuusan taas samayn oo aanu ka fikirin, annaga nafteena ayaan ka fikiraynaa, waxaan doonaynaa in aan xaaladeena hagaajino, taas ayaana ina qusaysa.”
“Laakiin waxaan filayaa in Nunez uu samaynayo horumaro muhiim ah, waxaad ka arki kartaa wajigiisa, goolkii uu ka dhaliyay Rangers aad ayuu muhiim ugu ahaa isaga laakiin dhammaan goolasha ayaa muhiim ah.”
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/25PUI1p
via IFTTT
0 Comments