Man United oo garoonkeeda Old Trafford guul saxariir ah kaga gaartay kooxda Omonia Nicosia

(Yurub) 13 Okt 2022. Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul saxariir ah kaga gaartay kooxda Omonia Nicosia, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada afaraad ee heerka guruubyada UEFA Europa League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester United iyo Omonia Nicosia ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90 + 3-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Mctominay oo badelay ku yimid.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay Manchester United kaga adkaatay kooxda Omonia Nicosia oo soo booqatay, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada afaraad ee heerka guruubyada UEFA Europa League.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/XyADmgw
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments