Shanta xiddig oo hadda ciyaara kubadda cagta ee dhaliyey laadadka xorta ah ee ugu badan… (Yaa horreeya Messi  & CR7)

(Yurub) 28 Sebt 2022. Waxaa jiray ciyaartoy badan oo ku wanaagsan dhalinta laadadka xorta ah sida uninho Pernambucano, Ronaldinho iyo David Beckham, waxaase beddelay kale oo iyaguna ku fiican dhalinta Bulusoonnada.

Waxaan diiwaankan ku soo qaadanaynaa shanta ciyaaryahan ee haatan ciyaara kubadda cagta kuwaasoo dhaliyey laadadka xorta ah ee ugu badan, waxaana ku jira Ronaldo iyo Messi.

Kabtanka Argentina ee Lionel Messi ayaa xalay laadkii xorta ahaa ee uu dhaliyey waxa uu ku dhaafay Cristiano Ronaldo.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha hadda ciyaarta kubadda cagta ee dhaliyey laadadka xorta ah ee ugu badan:-

#5 Neymar Jr. (Brazi/Paris Saint-Germain) – 19 Laad oo xor ah.

#4 Miralem Pjanic (Bosnia & Herzegovina/Sharjah FC) – 26 Laad oo xor ah.

#3 Hakan Calhanoglu (Turkey/Inter Milan) – 28 Laad oo xor ah.

#2 Cristiano Ronaldo (Portugal/Manchester United) – 58 Laad oo xor ah.

#1 Lionel Messi (Argentina/Paris Saint-Germain) – 59 Laad oo xor ah.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/BbtpCV0
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments