(Portugal) 28 Sebt 2022. Tababaraha Portugal ee Fernando Santos ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay kaddib markii Seleção Europe ay guuldarro ka soo gaartay Spain wareegii ugu dambeeyay ee heerka group-yada ee tartanka qaramada Yurub, UEFA Nations League, taasoo ka dhigtay inay semi-finalka tartankan u gudbaan guutada tababare Luis Enrique ee La Roja.
Xulka qaranka Spain oo marti ku ahaa dhulka Portugal ayaa guul dirqi ah soo gaaray, kaddib markii ay ku soo adkaadeen 0-1, waxaana goolka u dhaliyay Morata oo caawin ka helay Williams, ciyaartan ayaa qeyb ka ahayd kulammada wareegii ugu dambeeyay ee heerka group-yada ee tartanka qaramada Yurub, UEFA Nations League.
Haddaba ciyaarta kaddib Tababaraha Portugal ee Fernando Santos ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:
“Qeybtii hore ee ciyaarta Spain waxa ay heysatay kubada in ka badan, laakiin ma jirin khatar weyn oo goolkeena soo gaartay.”
“Waxaan ku helnay xoogaa fursado ah goolka hortiisa, laakiin ma aanan dhalin goolkii la rabay. Waxaan u sheegay ciyaartoyda inay shaqo fiican qabteen qeybtii hore, balse aan cadaadis saarno difaacyada naga soo horjeeda.”
“Laakiin Spain waxay bilawday inay kubbada heysato, waxaana bilawnay inaan ku dhibtoono sidii aan dib ugu soo celin lahayn.”
“Dhibaatada na haysatay ayaa ah in aanan si fiican u ciyaarin markii aan kubbada qaadano, ma aanan muujinin tayadeena dhabta ah, si aan u gaarno goolka kuwa naga soo horjeeda.”
“Waxaan u riixay Joao Mario dhanka midig isagoo isku dayaya inuu kubada xakameeyo, Waxaan isku dayay inaan xoogaa firfircooni ah siiyo khadka dhexe, waxaan keenay Vitinha iyo Rafael Leao, laakiin runta waxay tahay in arrimaha sidii la rabay u dhicin.”
“Spain ayaa sii waday cadaadiskii ay nagu haysay, waxaana u suurtagashay inay gool ku dhaliyaan fursada kaliya ee dhabta ah ee ay ciyaarta ku heleen, inkastoo ay taasi jirto waxaan helnay fursad weyn oo aan barbaro ku dhalin karno intaas kaddib, waxaan rabnay inaan gaarno semi-finalka, waana ka shaqeynay, laakiin si kastaba ha ahaatee ma garanayo waxaan sheego.”
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/PzLsecd
via IFTTT
0 Comments