(Argentina) 28 Sebt 2022. Xiriirka Kubadda Cagta Argentina ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay kordhinta qandaraaska tababaraha xulka hoggaamiya ee Lionel Scaloni.
Lionel Scaloni ayaa la wareegay shaqada tababaranimo ee xulka qaranka Argentina 2-dii August 2018, wuxuuna qandaraaskiisa dhacayaa ilaa dhammaadka bisha December ee sanadkan.
Lionel Scaloni ayaa lagu dhaleeceeyay qibrad la’aantiisa marka loo eego macalimiintii howshaas qabtay, balse Scaloni ayaa qof walba ugu jawaabay isagoo tango u caleemo saaray koobka Copa America oo aan indhaha laga daboolan karin, wuxuuna hadda ka mid yahay musharixiinta sida xooggan ugu guuleysan kara koobka adduunka, oo la qorsheeyay inuu qabsoomo dhamaadka bisha November.
Xiriirka kubadda cagta Argentina ayaan sugin kaddib dhamaadkii koobka aduunka in ay go’aan ka gaaraan masiirka Lionel Scaloni, laakiin xiriirka waxa uu wakhti dheer u kordhiyey qandaraaskiisa taas oo calaamad u ah kalsoonida uu xiriirka ku qabo tababaraha 44 jirka ah.
War rasmi ah oo kasoo baxay xiriirka kubadda cagta Argentina ayaa lagu sheegay in Lionel Scaloni uu qandaraaskiisa xulka la kordhiyay ku dhawaad afar sano, ilaa xagaaga 2026-ka.
“Waan ku faanayaa inaan ku dhawaaqo inaan kordhinay qandaraaska Scaloni ilaa Koobka Adduunka 2026.” Ayuu yiri Claudio Tapia madaxa xiriirka kubadda cagta Argentina, kaddib markii lagu dhawaaqay go’aanka.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/NO4CMmg
via IFTTT
0 Comments