(Portugal) 28 Sebt 2022. Tababaraha Spain Luis Enrique ayaa ka hadlay guushii ay kaga gaareen Portugal, wareegii ugu dambeeyay ee heerka group-yada ee tartanka qaramada Yurub, UEFA Nations League.
Xulka qaranka Spain oo marti ku ahaa dhulka Portugal ayaa guul dirqi ah soo gaaray, kaddib markii ay ku soo adkaadeen 0-1, waxaana goolka u dhaliyay Morata oo caawin ka helay Williams, ciyaartan ayaa qeyb ka ahayd kulammada wareegii ugu dambeeyay ee heerka group-yada ee tartanka qaramada Yurub, UEFA Nations League.
Haddaba ciyaarta kaddib Tababaraha Portugal ee Luis Enrique ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:
“Kubadda cagta waa ciyaar aad u fiican, guusha waxay bogsiisaa niyad-jab kasta waxayna tirtirtaa murugada, Portugal waa koox aad u xoogan, waxaana isku daynay intii suurtagal ah inaan heysano kubadda.”
“Tani waa waxa aan rabay, waxaan doonayay inaan si joogto ah u dhaafo qaybta kooxda iga soo horjeeda, waxaana muhiim ahayd inaan muujiyo inaan kubbada haysanay qaybtii hore, waxaana dareemaynay in goolka iman doono qaybta labaad.”
“Markale waxaan joognaa semi-finalka, tani waxay na siinaysaa dareen farxadeed, waa wax aad u wanaagsan in la tababaro kooxdan ciyaartoyda ah, liiskan kama koobna 26 ciyaartoy, balse waa 40.”
Qof kastaa wuu ka qayb geli karaa Koobka Adduunka, fikradda ah in ciyaartoyda qaar laga saaro Koobka Adduunka waa arrin laga qoomameynayo, waanu ku faraxsanahay waxa aanu gaarnay.”
Isagoo ka hadlaya xulka Spain ee koobka adduunka ayuu Enrique yiri:
“Ma jiro wax cad oo arrintan ku saabsan, sababtoo ah waxaa jira isbeddelo joogto ah, wayna igu adkaan doontaa, mar walbana shaki ayaa ka jira adduunka kubadda cagta sababtoo ah waxay ku xiran tahay natiijooyinka.”
“Hadii aan maanta guuldarro 1-0 la kulmi lahayn daqiiqadii 85-aad, waxa ay ahaan lahayd musiibo, laakiin hadda wax walba waa ka duwan yihiin, taasi waa sababta aan uga shakisanahay had iyo jeer ciyaartaan.”
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/JYiCpvG
via IFTTT
0 Comments