Horudhac: Liverpool vs Newcastle United… (Reds oo doonaysa inay caawa sii waddo xasuuqii ay u geysatay Bournemouth)

(Liverpool) 31 Agoosto 2022. Liverpool ayaa doonaysa inay sii wadato bandhiggeedii ugu dambeeyey ee Premier League kaddib markii ay sagaal gool ku tiirisay Bournemouth, marka ay caawa garoonkooda ku soo dhoweynayaan Newcastle United.

Reds ayaa loo diiwaan geliyey saddexdoodii dhibcood ee ugu horreeyey horyaalka xilli ciyaareedkan, waana midkii ay horraantii todobaadkan ka heleen The Cherries, halka Newcastle kulankaan soo geli doonto iyadoo barbaro 1-1 ah la soo gashay Wolverhampton Wanderers.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Kooxaha: Liverpool vs Newcastle United

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Anfield

Garsooraha: Andre Marriner (England)

Wararka Kooxaha:-

Xiddiga ugu qaalisan kooxda Newcastle ee Alexander Isak ayaa weli sugaya warqaddiisa shaqada si uu u ciyaaro kulankan.

 Weeraryahankan reer Sweden ee Isak oo 22-sano jir ah kooxduna la soo wareegtay Jimcihii ayaan ciyaarin kulankii Axaddii ay barbaraha 1-1 la galeen Wolves, Macallinkiisa Eddie Howe ayaana sheegay inuusan weli hubin inuu ciyaari doono kulanka caawa.

Bruno Guimaraes ayaa qarka u saaran inuu dhaawac ku seego kulankiisii labaad, Callum Wilson ayaana weli maqan.

Allan Saint-Maximin ayaa shaki laga qabaa inuu qabo dhibaato muruqa ah, Kieran Trippier ayaa laftiisa shaki laga gelinayaa kulankan.

Dhanka kale, Liverpool ayaa u baahan inay la socoto xaaladda Harvey Elliott, kaasoo la beddelay qeybtii nasashada kulankii Bournemouth si looga taxadaro xaaladdiisa caafimaad, inkastoo tababare Jurgen Klopp uu rajo ka qabo in ciyaaryahanka khadka dhexe uu diyaar noqon doono kulankan.

Diogo Jota, Naby Keita, Ibrahima Konate, Thiago iyo Caoimhin Kelleher ayaa weli dhaawac ku maqan, laakiin Joel Matip, Calvin Ramsay iyo Curtis Jones ayaa la kormeeri doonaa xaaladdooda kaddib markii ay ku soo laabteen tababarka.

Darwin Nunez ayaa dhammaysanaya ganaax saddex kulan ah, kaddib kaarkii casaanka ahaa oo uu qaatay.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Liverpool ayaan laga badinin 26 kulan oo Premier League ah oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Newcastle, waxaana ay ka haysataa 21 guul iyo 5 barbaro tan iyo guuldaradii 2-0 ee ku soo gaartay Anfield bishii April ee 1994-kii, Reds ayaana gool dhalisay dhammaan 26-kaas kulan.

>- Magpies ayaa 2-0 ku garaacday Reds iyadoo lagu ciyaarayay garoonka St James Park bishii December ee sanadkii 2015, laakiin wax guul ah ma gaarin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo horyaalka ah, waxaana ay kala kulmeen (4 barbaro iyo 7 guuldarro.

>- Liverpool ayaa Newcastle ka dhalisay 109 gool oo Premier League ah, waana in ka badan kooxaha kale.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Elliott, Fabinho, Henderson; Salah, Firmino, Diaz.

Newcastle United: Pope; Trippier, Schar, Botman, Burn; Willock, S Longstaff, Joelinton; Almiron, Wood, Fraser.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/2G1eTtu
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments