Horudhac: Manchester City vs Nottingham Forest… (City oo indhaha ku haysa guusheedii labaad oo xiriir ah Premier League)

(Manchester) 31 Agoosto 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa indhaha ku haysa inay gaarto guusheedii labaad oo xiriir ah horyaalka Premier League, marka ay caawa garoonkooda Etihad ku soo dhoweynayaan Nottingham Forest.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ayaa kulankeedii hore waxa ay guul soo laabasho ah 4-2 kaga gaartay Sabtidii Crystal Palace, halka Forest ay 2-0 guuldarro ah Axaddii ku soo gaartay gurigooda iyagoo la ciyaarayay Tottenham Hotspur.

Man City ayaa ku jirta haatan kaalinta labaad ee Premier League, iyadoo leh 10 dhibcood, halka Nottingham Forest ay fadhiso kaalinta 14-aad, markii ay heshay labo guuldarro, hal guul iyo hal barbaro afarteedii kulan oo ay ciyaartay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Kooxaha: Manchester City vs Nottingham Forest

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 09:30 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Etihad Stadium

Garsooraha: Paul Tierney (England)

Wararka Kooxaha:-

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa diiday inuu xaqiijiyo in Erling Haaland uu ku soo bilaaban doono kulanka caawa iyo in kale.

Haddii Haaland la nasiyo, Julian Alvarez ayaa ku billaaban doona safka hore kulankiisii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League, kaddib markii uu saddex kulan beddel ku soo galay.

Nottingham Forest ma jiraan wax dhibaato dhaawacyo ah oo ay ka cabanayaan kulanka ay u safrayaan garoonka Etihad, saxiixooda cusub ee Renan Lodi ayaana tartan ugu jira inuu ciyaaro kulanka caawa.

Orel Mangala ayaa kalankiisii labaad dhaawac muruqa ah ku seegaya, kaasoo ka soo gaaray kulankii ay la ciyaareen Everton.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Kani waa kulankii ugu horreeyey ee dhex maraya kooxaha Manchester City iyo Nottingham Forest tan iyo markii ay Forest joogtay heerka labaad, isla markaana ay guuleysteen wareegga saddexaad ee FA Cup-ka kuna adkaadeen 3-0 ciyaar ka dhacay garoonka Etihad 3-da bishii Janaayo sanadkii 2009-kii.

>- City iyo Forest waa markii ugu horreysay oo ay horyaalka isku arkaan tan iyo xilli ciyaareedkii 2001-02 oo ay wada joogeen horyaalka heerka labaad, Citizens ayaa afar dhibcood qaadatay lix dhibcood oo suurogal ah u ahaa xilli ciyaareedkaas, waxa ay barbaro 1-1 ku galeen garoonka City, halka 3-0 ay ku garaaceen ciyaartii kale oo ka dhacay Maine Road.

>- Kooxda City ayaa kaliya hal jeer guuleysatay lix kulan oo horyaalka Premier League ay wajaheen Forest, waxaana kulankaas uu ahaa mid ay 2-0 uga soo adkaadeen iyagoo booqday 27-kii Febraayo sanadkii 1993-kii, dhammaan saddex kulan ee ka dhacay Magaalada Manchester ayaa ku dhammaaday barbaro.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Manchester City: Ederson; Walker, Ake, Dias, Cancelo; Gundogan, Rodri, De Bruyne; Foden, Haaland, Mahrez.

Nottingham Forest: Henderson; Worrall, Cook, McKenna; Williams, Yates, Freuler, Toffolo; Johnson, Awoniyi, Gibbs-White.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/KhSVoqf
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments