Kooxaha Manchester City iyo Chelsea oo laga soo diiday dalabkii ay ka gudbiyeen Joško Gvardiol

(Yurub) 31 Agoosto 2022. Sida wararku ay sheegayaan Kooxaha Ingiriiska ka wada dhisan ee Manchester City iyo Chelsea ayaa laga soo diiday dalab ay ka gudbiyeen daafaca la yiraahdo Joško Gvardiol.

Kooxaha kubadda cagta Manchester City iyo Chelsea ayaa laga soo diiday dalab ay u gudbiyeen kooxda RB Leipzig, iyagoo muraadkoodu ahaa inay la soo wareegaan daafaca 20-sano jirka ah ee naadigaasi ee Joško Gvardiol.

Wargeyska ‘Bild’ ayaa qoraya in Man City ay daafacan Croatian-ka ah u gaartay 80 Milyan oo Euro, balse codsigaasi la soo diiday, halka Chelsea oo arrintaa ka faa’iideyso islahayd ay iyana Leipzig u soo bandhigtay 90 Milyan oo Euro, hase ahaatee iyagana waa lagu adkeeyay.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/oaT3fhj
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments