Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay falalka maalmahii ugu dambeeyay aadka looga hadal hayay magaalada Muqdisho, kaas oo ku saabsanaa caruurta la xado.
Toddobaadyadii ayaa Muqdisho waxaa aad looga hadal hayay kufsiga iyo caruurta oo la xado, taasoo walaac weyn ku abuurtay waalidiinta, waxaana waddanka uu ku jiraa xilli kala guur ah oo aysan jirin cid mas’uuliyad iska saareysa.
Madaxweynahii hore dalka wuxuu sheegay iney tahay wax laga xumaado in wakhtigaan ay caruurta ku nool Muqdisho banaanka u bixi la’yahiin sababo cabsi ay ka qabaan in la xado oo la iibsado xubnahooda ama in kufsi loo gaysto.
“Waa wax laga xumaado in caruurta ay banaanka u bixi waayeen cabsi laga qabo in la iibsado xubnaha jirkooda, waxaan dowladda ka codsanayaa iney falalkaas uu kufsiga ka mid yahay ka hortagto,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran wuxuu intaas ku daray in hay’adaha amniga ay wakhtigaan ku mashquulsan yahiin waxyaabo kale, balse wuxuu ka codsaday iney xil iska saaraan wax u qabashada dadka wakhtigaan dhibaatoonaya.
Hadalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli doorashada ay foodda nagu soo heyso, wuxuuna ka mid yahay tiro musharaxiin ah oo isu soo taagay xilka madaxtinimada dalka.
The post Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay arrimo maalmahan ka taagnaa Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/sheekh-shariif-oo-si-kulul-uga-hadlay-arrimo-maalmahan-ka-taagnaa-muqdisho/
0 Comments