Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howl-galka AMISOM iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Dagaalka ahaa mid culus ayaa ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaa ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ay ku yeelihiin halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad foolka fool ah uu ka dhacay deegaanka Halgan, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Mas’uuliyiin maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey ayaa sheegay in khasaare xoogan la gaarsiiyey raggii weerarka soo qaaday.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso deegaanada maamulka HirShabelle.
Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay howl-gallo ka bilaabeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan.
source https://www.caasimada.net/ciidamada-itoobiya-iyo-al-shabaab-oo-ku-dagaalamay-gobolka-hiiraan/
0 Comments