Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa maanta kormeer ku tagay goobta ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada gobollada Waqooyi oo dhawaan la shaaciyey habraaceeda.
Kormeerka uu maanta Taliye Xijaar ku tagay dugsiga tababarka Boliiska ee General Kaahiye ayaa waxa uu u daarna u kuur-galida qaabka loo sugayo amniga goobtaas iyo dardar-gelinta howlaha amniga doorashooyinak ee Booliska u xilsaaran yahay.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay si wadajir ah usoo saaray habraaca doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi, kadib khilaaf muddo ka dhex aloosna.
Sidoo kale waxa uu Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) kormeer howleed ku tagay Hoggaanka Gaadiidka Boliiska si loo dardargaliyo howlaha u yaalla Ciidanka Boliiska.
Xijaar ayaa inta badan kormeer ku taga goobaha ay ka qabsoomayaan doorashooyinka oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid, waxaana lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loo gudo galo doorashada Golaha Shacabka.

The post Xarunta ay ka dhaceyso doorashada golaha shacabka ee Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/xarunta-ay-ka-dhaceyso-doorashada-golaha-shacabka-ee-muqdisho-sawirro/
0 Comments