Ciidamo ka tirsan DF oo u abaabulan qaab qabiil oo dad shacab ah ku laayey Abaaleey

Abaaleey (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Deegaanka Abaaleey ee saaran xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidan ka tirsan Militariga Dowladda Soomaaliya ay halkaas ku laayeen dad Shacab oo Baaraleey ahaa.

Ciidamada dadkaan Shacab ah ku laayeey Abaaleey ayaa lasoo sheegayaa inay wateen gawaarida dagaalka ee ciidanka Xoogga dalka, waxayna dileen illaa 5 qof halka ay dhaawaceen tiro intaas ka badan oo dhammaantood ahaa dad Shacab ah.

Madaxweynah Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa maalmahaan ka waday abaalka dagaalka lagu qaaday deegaannada Abaaleey iyo Jawiil.

Tallaabada ay ciidamada Dowladda ka tirsan ee u abaabulnaa qaabka qabiil ku laayeen dadkaan shacabka ah ayaa timaaday kadib markii ay deegaanka ka dhacay dagaal qabiileed.

Lama oga tallaabada ay qaadayaan taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ay ciidankoodu ku lug leeyihiin colaadaha soo noqnoday ee deegaannada xuduudaha ee Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya.

Dhanka kale, Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa saaka u sahlay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya inay deegaankaan soo galaan kadib markii ay u banneeyeen aaga haatan lagu dagaallamay.

Dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa ku eedeeyay Ciidanka Liyuu Booliiska in ay hub ka dhigis ku sameeyeen sanad ka hor taasna ay sahashay weerarkaan maanta u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka balse qaab qabiileysan ugu duulay.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dadkaan Shacabka ah ee lagu laayey Deegaanka Abaaleey, waxaana soo noq noqday in qaab qabiil loo adeegsaday Ciidamada Dowladda.



source https://www.caasimada.net/ciidamo-ka-tirsan-df-oo-u-abaabulan-qaab-qabiil-oo-dad-shacab-ah-ku-laayey-abaaleey/

Post a Comment

0 Comments