Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta mar kale ku dhawaaqday inay dib u dhigtay furitaanka duulimaadyadii Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Maxamed Cabdullaahi Salaad {Oomaar} oo wareysi siiyey telefishinka Qaranka ayaa sheegay inay dowladda go’aan ku gaartay inaan hadda la furin duulimaadyadii gudaha iyo kuwii Debadda.
Sababta ayuu wasiirka ku sheegay inay ka fogaanayaan weli halista cudurka COVID19 oo si weyn ugu faafay Soomaaliya iyo adduunyada.
” Iyadoo laga taxadarayo in cudurka COVID19 oo maraya marxalado kala duwan waddanka gudihiisa in dib loogu soo celsho meel uu ka yaraaday ama la geeyo meel illaa hadda uusan gaarin ayaa dib loo yara dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha” ayuu yiri Wasiir Oomaar.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in duulimaadyada Soomaaliya ay furmi doonaan 30-ka bisha June sanadka 2020, saacaduna tahay shan saac kontan iyo sagaal daqiiqo.
Xayiraadda la saaray duulimaadyada gudaha Soomaaliya ayaa ku ekeyd 8-da bishan June, dowladduuna weli sooma saarin amar shaacsan oo lagu dheereeyey, hase yeeshee duulimaadyada ayaa weli hakad ku jira.
source https://www.caasimada.net/deg-deg-df-oo-mar-kale-dib-u-dhigtay-furitaanka-duulimaadyada/
0 Comments