Galmudug oo u hanjabtay shaqsiyaadka iyo Shirkadaha Isgaarsiinta ee lacagaha siiyo Al-Shabaab

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga gudaha ee Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay si adag ula macaamili doonaan shaqsiyaadka laacagaha baadda ah siiyo kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh urur weynaha Al-Qaaciddaa.

Wasiirka ayaa sheegay inay wadaan shaqada sharciga la dagaalanka Argagixisada oo uu sheegay in dhawaan lasoo saari doono laguna caddeyn doono xukunka Xubanah Al-Shabaab ka tirsan, kuwa xiriirka la leh iyo kuwa lacagaha siiyo.

Mar uu ka hadlaayey shakhsiyaadka lacagta siiyo Al-Shabaab ayuu sheegay inay kamid yihiin qaar ka tirsan shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya inkastoo uu ka gaabsaday inuu sheego magacyada shirkadahaas.

Wasiir Fiqi ayaa si adag u sheegay in dadka lacagaha siiyo Al-Shabaab ay u aqoonsan doonaan inay ka tirsan yihiin kooxda maadaama uu sheegay inay garab ku siinayaan gumaadka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

“Nimankan hadda Zako kaliya ma qaadaan waxooda waa baad; waligeedna lama arkin Zako la leeyahay soo horumariya saddex sano, afar sano; waxay ahayd fariinteydu ninkii caruurtaada dilayey ee ku qarxinayey yaan isku siin lacag; Zako hadaad bixineysid soo sii maamulkii amnigaagii iyo degaankaagii ka shaqeynayey; lacagta baada ah, wiilaan la garaneyn telefoonada dadka u soo diraya waliba dadka shirkadaha ka shaqeeya; si taas ay ka go’do, waana ka go’neynaa shirkadii siisa ama qofkii aan ku maqalno in uu Shabaab lacag siinayana waxba Shabaab kama duwana; qaraxa la sameynayo iyo baabuurta lacagtaasaa lagu soo gadayaa; sharciga argagixiso la dirirka waan soo wadnaa, sharcigaas ayayna ku qornaan doontaa,” ayuu u sheegey BBC-da.

Wasiirka oo wax laga waydiiyey sida ay ka leeyihiin goobaha ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin deegaanada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in heysashadaas ay tahay mid xaaraan ah isla markaasna ay waqti dhow ka saari doonaan.



source https://www.caasimada.net/galmudug-oo-u-hanjabtay-shaqsiyaadka-iyo-shirkadaha-isgaarsiinta-ee-lacagaha-siiyo-al-shabaab/

Post a Comment

0 Comments