Muxuu madaxweyne Muuse Biixi ka yiri magacaabista Cabdikariin Guuleed?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay nagacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu maalin kahor madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa soo dhaweeyay magacaabistaan, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo horay loogu qaaday wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Cabdikariin Guuleed uu yahay nin wax badan ka fahansan siyaasadda iyo howsha loo xil saaray, maadaama uu horay uga soo shaqeeyay.

Waxa kale oo uu rajo wanaaagsan ka muujiyay inay markale dib u billaaban doonaan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo horay hakad u galay.

Dhankooda mucaaradka Somaliland ayaa shalay soo dhaweeyay magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ugu magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay magacaabista Guuleed ee arrimaha Somaliland, xilli uu muddo hakad ku jiray wada-hadalada labada dhinac.

“Cabdikariim Xuseen Guuleed waa nin aad saaxiib u nahay oo iskugu nimid wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya. Waa nin qiimo leh oo Somaliland hore u yimid,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Si kastaba, Cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.

The post Muxuu madaxweyne Muuse Biixi ka yiri magacaabista Cabdikariin Guuleed? appeared first on Caasimada Online.

source https://www.caasimada.net/muxuu-madaxweyne-muuse-biixi-ka-yiri-magacaabista-cabdikariin-guuleedl/

Post a Comment

0 Comments