Xasan iyo al-Siisi oo kulmay xilli si sir ah Soomaaliya looga qoray 3,000 oo dhallinyaro

Algiers (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Algeria ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfataax Al-siisi, iyagoo ka wadahadlay arrimo khuseeya danaha labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga warbixiyay dhiggiisa dalka Masar howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda goballada dalka iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab si dadka ku nool ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya lagu taageero dagaalka ay uga soo horjeeddo argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha Masar saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, taas oo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada xoogga si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada.

Sidoo kale Madaxweynaha Masar ayaa muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi oo balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka cunayarida si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameyeen ayaa intaas raaciyay in ay shirka soo socda ee cimilada ee ka dhacaya Masar ay cod ugu noqon doonaan Soomaaliya sidii uu caalamku ugu baraarugi lahaa saameynta isbedelka cimiladu ku yeelatay Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankii labada madaxweyne.

Kulankan ayaa imanaya ayada oo Masar iyo Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya ka qorteen 3,000 oo dhallinyaro ah oo askar ahaan loo tababarayo. Halkan ka aqriso warbixintaas.

The post Xasan iyo al-Siisi oo kulmay xilli si sir ah Soomaaliya looga qoray 3,000 oo dhallinyaro appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/xasan-iyo-al-siisi-oo-kulmay-xilli-si-sir-ah-soomaaliya-looga-qoray-3000-oo-dhallinyaro/

Post a Comment

0 Comments