Midowga Afrika oo aqbalay dalabkii kasoo baxay DF Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa ugu dambeyn aqbalay dalab uga yimid dowladda federaalka oo ku aadan dhimista ciidamada ATMIS ee Somalia.

Golaha Midowga Afrika ayaa tixgeliyey codsiga u gudbisay dowladda Soomaaliya, kadib kulan ay yeesheen 11-kii bishaan November, kaas oo ahaa kulankoodii 1121-aad.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa sheegay in arrintan ay usii  gudubin doonaan Golaha Ammaanka (UNSC), si loo ansixiyo kordhinta dhimmista (2,000) oo askari, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS marka la gaara bisha December 2022.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dib u eegis lagu sameyn doono waqtiga howlgalka ciidamada ATMIS oo loo qorsheeyey inay dalka ka baxaan dhammaadka 2024-ka.

“Waxaan xaqiijinayaa taageerada codsiga DFS ee ah in la kordhiyo ATMIS Wajiga 1-aad ee dib-u-habaynta ee dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah laga bilaabo 31ka Diseembar 2022 ilaa 30ka Juunyo 2023, iyada oo dib u eegis lagu samaynayo wakhtiga hawlgalka, iyada oo dib loo xaqiijinayo ballanqaadka ah in la joogteeyo taariikhda bixitaanka 31 Diseembar 2024,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Midowga afrika, Moussa Faki Mohamat.

Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya, wuxuuna boggaadiyey guulaha laga gaaray dagaalladii u dambeeyey.

Ugu dambeyn wuxuu Moussa Faki ayaa soo dhaweeyey wada shaqaynta AU/UN ee u doodista dowladaha xubnaha ka ah AU, iyada oo ujeedadu tahay in la abaabulo dhaqaalaha iyo agabka kale ee loo baahan yahay si loo taageero waajibaadka ATMIS ee Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika oo Soomaaliya ka socdo in ka badan 15 sano ayaa markii hore ku howlgalayey magaca AMISOM, balse waxaa hadda loo beddalay magaca ATMIS, wuxuuna howlgalkan isna ku egyahay marka la gaaro bisha December ee sanadka 2024.

The post Midowga Afrika oo aqbalay dalabkii kasoo baxay DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/midowga-afrika-oo-aqbalay-dalabkii-kasoo-baxay-df-soomaaliya/

Post a Comment

0 Comments