(Madrid) 24 Nof 2022. Halyeeyga reer Portugal iyo kooxda Atlético Madrid ee Paulo Futre ayaa filaya dib ugu laabashada Cristiano Ronaldo ee naadiga Real Madrid, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoda ee jiilaalka. kaddib markii uu si rasmi ah uga tagay Manchester United.
Ronaldo ayaa weerar culus ku qaaday Manchester United intii lagu guda jiray wareysiga uu bixiyay ka hor inta uusan ku biirin xulka qaranka Portugal si uu uga qeyb galo koobka adduunka Qatar 2022.
Cristiano aya sidoo kale carabka ku adkeeyay inuusan ixtiraamin tababarihiisa Erik ten Hag sababa la xiriira inuusan isagaba ixtiraamin.
Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay joojisay qandaraaska Cristiano Ronaldo kaddib markii ay labada dhinac isku afgarteen kaddib wareysiga uu laacibka bixiyay, xiddiga reer Portugal ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu ka tagayo safka kooxda Red Devils, si uu u noqdo ciyaaryahan xor ah.
Haddaba Paulo Futre oo ka hadlayay halka uu Ronaldo ku sii jeedo ayaa yiri:
“Haddii uu xaliyo khilaafka isaga kala dhexeeya madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Pérez, waxay ka dhigi doontaa meesha xigta uu aadi doono laacibka, si uu halkaas kaga fariisto kubadda cagta.”
“Waa ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda Real Madrid, isaga iyo Alfredo Di Stéfano.”
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/GBJu0aS
via IFTTT
0 Comments