Julian Nagelsmann oo sharaxay nooca dhaawaca Sadio Mane

(Munich) 09 Nof 2022. Tababaraha kooxda Bayern Munich Julian Nagelsmann ayaa ka hadlay dhaawaca soo gaaray cayaaryahanka reer Senegal ee Sadio Mane, intii ay socotay ciyaartii ay la ciyaareen Werder Bremen xalay, kana tirsan horyaalka Jarmalka.

30-sano jirkaan ayaa awoodi waayay inuu dhameystiro ciyaarta kaddib markii uu dareemay xanuun lugta ah, waxaana la bedelay 20 daqiiqo markii ay ciyaarta socotay.

Intii lagu gudajiray wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky” ciyaarta kaddib, Nagelsmann wuxuu sharaxay in Mane ay jug ka soo gaartay Lugta.

Tababaraha reer Jarmal ayaa carabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in xiddiga heerka caalami ee dalka Senegal uu maro raajo, si loo ogaado heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa.

Yeelkeeda, Mane ayaa ka cabsi qaba in dhaawacan uu horseedi doono inuu ka maqnaado ka qayb galka xulka qaranka Senegal ee koobka aduunka 2022, kaasoo maalmo kadib ka bilaaban doona dalka Qatar.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/LJK4D7g
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments