Tababare Xavi oo doonaya inuu sameeyo rikoor taariikhi ah kulanka maanta ee El Clasico

(Madrid) 16 Okt 2022. Macallinka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi ayaa doonaya inuu guul ka soo hooyo kulanka maanta ee El Clasico kaasoo ka dhici doona garoonka Santiago Bernabéu.

Labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid oo isku dhibco ayaa haatan waxaa faqriga goolasha hoggaanka horyaalka La Liga ku haysa kooxda martida ah ee Barca.

Tababaraha Barcelona ee Xavi ayaa doonaya inuu taariikh sameeyo kulanka maanta marka ay kooxdiisu booqato naadiga Los Blancos ciyaar qeyb ka ah horyaalka La Ligaha Spain.

Kaddib Guushii 4-0 ahayd ee uu Xavi ka soo gaaray kooxda Real Madrid bishii Maarso ee sanadkan ee ka dhacday garoonka Santiago Bernabéu Macallin Xavi ayaa doonaya inuu noqdo tababarihii labaad ee Real Madrid garaaca labadiisa kulan ee ugu horreeya oo uu booqdo Los Blancos tan iyo Gerard Moreno oo sidaas oo kale sameeyay sanadkii 2014.

Hoggaamiyaha reer Spain ee Xavi ayaa sidoo kale haddii kooxdiisa Barcelona ay kulanka maanta shabaqeeda gool ka ilaashato  noqon doonaa tababarihii ugu horreeyay ee taariikhda Barcelona oo garaaca kooxda Real Madrid labo kulan oo xiriir ah isagoo shabaqiisana ka ilaashaday.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/MbEpcgq
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments