SHAX isku dhaf ah oo laga sameeyay Kooxaha Liverpool vs Manchester City ka hor kulankooda Caawa ee Premier League… (Yaa xiddigaha ugu badan ku leh?)

(Liverpool) 16 Okt 2022. Labada kooxood ee ugu fiicnaa kubadda cagta Ingiriiska sanadihii ugu dambeeyey ee Liverpool iyo Manchester City ayaa maanta wada ciyaari doona kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Inkastoo kooxaha ay kala hoggaamiyaan labada tababare ee Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ay si weyn ugu tartamayeen hanashada horyaalka dhowrkii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay ayaa hadda kal ciyaareedkan kooxda Liverpool waxa ay soo bandhigtay qaba ciyaareed aad u hooseeya.

Liverpool ayaa kaliya heshay 13 dhibcood kulammadii ay ciyaareen illaa iyo haatan waxaana ay ka hooseeyaa haatan kooxda ay maanta la ciyaari doonaan ee Man City.

Dhinaca kale Kooxda Man City oo doonaysa inay baacsato hoggaamiyeyaasha horyaalka Premier League ee Arsenal ayaa saxiixooda cusub ee Erling Haaland uu wacdaro dhigayaa.

Ka hor kulanka adag ee labada kooxood ee Liverpool iyo Man City ku dhexmAri doona garoonka Anfield waxaa la sameeyey shax isku dhaf ah oo laga soo xulay labada dhinac kuwaasoo oo loo eegayo qaab ciyaareedka ay ku jiraan.

Manchester City ayaa shaxdan ku leh xiddigaha ugu badan, iyagoo ku yeeshay todobo ciyaaryahan, halka Liverpool ay kaliya ku leedahay afar xiddig.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda isku dhafka ah ee laga sameeyay Kooxaha Liverpool iyo Manchester City:-

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/O1drJf8
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments