(London) 08 Okt 2022. Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa kulanka weyn ee ay la ciyaari doonto Liverpool maalinta bari ah oo Axad ah, kaasoo ka qabsoomi doona garoonka Emirates.
Arsenal ayaa ku jirta kaalinta koowaad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan kadib 8 kulan ee laga ciyaaray illaan hadda, waxay heleen 21 dhibcood, halka Liverpool oo fadhida kaalinta 7-aad ay heysato 10 dhicood.
Mikel Arteta ayaa ammaanay weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus, kaasoo ay Arsenal xagaagii kula soo saxiixatay 45 million pounds.
Gabriel Jesus ayaa si toos ah uga qayb qaatay 8 gool oo ay ka dhalisay Arsenal Premier League, wuxuuna ka mid yahay tiirarka ay kooxda ka dhisan Waqooyiga London ku tiirsan tahay horyaalka xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay shabkada Squawka, Gabriel Jesus ayaa kubbada ku taabtay gudaha aagga kooxda ka soo horjeeda, in ka badan inta uu ku taabtay Lionel Messi, ilaa haatan xilli ciyaareedkan, Brazilian-ka ayaa taabashada ugu badan ku yeeshay aagga kooxda ka soo horjeeda marka loo eego ciyaartoy kasta oo ka ciyaara shanta horyaal ee ugu waa weeyn.
Haddaba macalinka kooxda Arsenal ee Mikel Arteta oo ka hadlayay weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus, wuxuu yiri:
“Waxa aan ku jeclahay Jesus waa maskaxdiisa. ma daneeyo inta daqiiqo uu ciyaarayo, Marka uu ciyaarayo, waxa uu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato boos kasta, mar walbana waxa uu bixiyaa wax kasta oo uu awooodo.”
“Waxaad arkaysaa isaga oo cadaadis saaraya kooxda ka soo horjeeda marka uu garoonka soo galo taas ayaana kooxda ka dhigaysa mid gaar ah, awoodiisa aad bay u fiican tahay in kasta oo uu wax walba ku guuleystay 5-tii sano ee la soo dhaafay ee Man City uu joogay.”
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/dO5kW8U
via IFTTT
0 Comments