Kooxaha Liverpool iyo Inter oo guulo gaaray & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Champions League

(Yurub) 04 Okt 2022. Kulammo ka tirsan heerka guruubyada UEFA Champions League ayaa caawa la ciyaaray, iyadoo ay ku jireen kulammo waa weyn.

Kooxda Liverpool ayaa guul ay u qalantay ka gaartay dhigeeda Rangers, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, goolasha Reds waxaa u kala dhaliyay T. Alexander-Arnold iyo Mohamed Salah.

Dhinaca kale kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa garoonkeeda Giuseppe Meazza guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Barcelona kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, goolka Inter waxaa u dhaliyay laacibkooda Calhanoglu.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray wareega Gruubyada ee tartanka Champions League:

Group A

Ajax 1-6 Napoli

Liverpool 2-0 Rangers

Group B

Club Brugge 2-0 Atletico Madrid

FC Porto 2-0 Bayer Leverkusen

Group C

Bayern Munich 5-0 Viktoria Plzen

Inter Milan 1-0 Barcelona

Group D

Marseille 4-1 Sporting CP

Eintracht Frankfurt 0-0 Tottenham Hotspur.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/6lQRbEr
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments