(Manchester) 04 Okt 2022. Halyeeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa ka hadlay ciyaaryahanka Manchester City ee Erling Haaland, iyo saameynta uu ku yeeshay horyaalka Premier League.
Hadalka Rio Ferdinand ayaa yimid kaddib guushii taariikhiga ahayd ee ay Man City kaga gaartay Man United 6-3, Haaland ayaana saddexley ka dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay ee Manchester derby.
Wargeyska Daily Mail ee dalka England ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Rio Ferdinand, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Hal shay oo aanan arkin ayaa ah, ma jiro daafac ka carreysiiya Haaland, ama isku daya inuu ka hor istaago soo bandhigida qaab ciyaareedkiisa gaarka ah.”
“Waxa aan arkaa isaga oo garoonka dhexdiisa ka tooganaya iyada oo aan cidina taaban, dabcan waa in aad hor itaagtaa, oo aad xoogaa riixdaa. Ma arko qof sidaas samaynaya, waan la yaabay.”
“Marka ay kubbada ku jirto xerada ganaaxa, qofna ma taabanayo, uma maleynayo in dadka ay fahmaan in mararka qaarkood aad u baahan tahay isku dhac jireed ee gudaha xerada ganaaxa ah ama meelaha khatarta ah si aad u lumiso dheelitirka.”
“Waxay u muuqataa in uu haatan haysto gaashaan, uma dhawaan kartid isaga, ma taaban kartid isaga, aad ayay khatar u tahay.”
“Haaland wuxuu abuuray cabsi sideeddii kulan ee hore, Ma arag qof k yimid horyaalkan oo 8 kulan cabsi noocaan ah ka dhex abuuray horyaalka.”
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/X60u8pd
via IFTTT
0 Comments