Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou guul dirqi ah kaga gaartay Celta Vigo

(Barcelona) 09 Okt 2022. Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Celta Vigo, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 17-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddigooda khadka dhexe ee Pedri.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Barcelona, kooxda Celta Vigo oo marti ugu ahayd garoonka Camp Nou, kaddib guushaan Barca ayaa dib ugu soo laabatay hoggaanka horyaalka Spain waxayna min 22 dhibcood wadaagaan Real Madrid oo labaad ku jirta.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/AC13x8W
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments