(Manchester) 09 Okt 2022. Daaficii hore ee kooxaha AC Milan iyo Lazio ee Alessandro Nesta ayaa kalsooni ku qaba inuu awood u leeyahay inuu joojiyo weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland.
Haaland ayaa duullaan duufaano ah ku qaaday horyaalka Premier League tan iyo markii uu ku soo biiray Kooxda Manchester City bishii July, isagoo dhaliyay 15 gool kaliya sagaal kulan oo horyaalka ah.
“Dabcan waan la ciyaari karaa, haa! sababtoo ah waxaan wajahay Ronaldo-ha Brazil.” Nesta ayaa sidaas u sheegay COPA90 markii la waydiiyay sida uu u wajihi karo Haaland.
“Haaland aad ayuu u fiican yahay, laakiin kan kale [Ronaldo] wuxuu ahaa wax ka duwan.
“Sidoo kale waxaan wajahay Messi iyo Cristiano, laakiin Ronaldo-ha Brazil, aniga ahaan wuu iiga duwanaa”.

Isagoo ka hadlayay qaabka uu u joojin lahaa Haaland, Alessandro Nesta wuxuu sheegay inay muhiim tahay in weeraryahanka aan wax boos ah la siinin haddii kale uu kugu ciqaabi doono.
“Waxaan isku dayaa inaan u dhawaado isaga, marka uu isku dayo inuu bilaabo orodka, laga yaabee inaan xannibo isaga.”
Nesta ayaana intaa raaciyay: “Haddii boos firaaqa ah uu kaa helo – waad dhimatay!”
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/8He2hB9
via IFTTT
0 Comments