(Barcelona) 06 Sebt 2022. Kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Bayern Munich ayaa la soo warinayaa inay tartan adag ugu jiraan saxiixa xiddig da’yar oo ka tirsan naadiga Barcelona.
Wargeyska Bild oo soo xiganaya Jariiradda Independent ayaa warinaya in dhammaan Kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Bayern Munich ay xiiseynayaan saxiixa da’yarka Naadiga Barcelona ee Gavi.
Xiddigan khadka dhexe ee Gavi ayaa xubin muhiim ah ka ah kooxda Tababare Xavi, waxaana uu ku soo billowday dhammaan kulammadii horyaalka La Liga ee ay Barca ciyaartay illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.
Inkastoo ay labada kooxood ee Ingiriiska ah, Man United iyo Liverpool oo lagu daray naadiga reer Jarmal ee Bayern Munich ay xiiseynayaan saxiixa Gavi haddana uma badna inay iska diri doonto Barcelona oo u aragta mustaqbalka fog ee naadiga.
Kooxda reer Spain ayaana kalsooni buuxda ku qabta in Gavi uu qandaraaska u kordhin doono.

Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/GI5ghjL
via IFTTT
0 Comments