Kooxda Manchester United oo xaqiijisay lambarka uu xiran doono xiddigooda cusub ee Antony

(Manchester) 04 Sebt 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijisay lambarka uu u xiran doono xiddigooda cusub ee Antony, kaasoo la filayo in caawa uu kulankiisii ugu horreeyey u ciyaaro United, ciyaarta ay ka horjeedaan Arsenal ee horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa daaha ka qaaday in saxiixa cusub ee xagaagan Antony uu u xiran doono lambarka 21-aad fasal ciyaareedka 2022-23.

21-sano jirkaan ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu qaalisanaa ee Red Devils taariikhda, kaddib markii ay saxiixiisa si rasmi ah ugu dhawaaqday maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga, markii ay 85.5 milyan oo gini uga soo qaateen Kooxda Ajax.

Macallin Erik ten Hag oo suuqii xagaaga oo dhan aad u doon doonayey xiddigii hore ee Ajax ayaa ugu dambeyn gacanta ku soo dhigay, waxaana xiddiga xulka qaranka Brazil uu haatan ka qeyb qaatay tababarkiisii ugu horreeyey ee xiddigaha Man United ku qaateen Carrington.

Waxaa jirta rajo ah in Antony uu awoodi doono inuu u safto Man United markii ugu horreysay kulanka maqribnimada maanta ay Arsenal kula ciyaari doonaan Old Trafford.

Antony ayaa qaatay lambarka 21-aad ee kooxda Man United kaddib markii uu lambarkaas ka tagay Edinson Cavani dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Striker Diego Forlan was a notable bearer of the ’21’ between the 2000-01 and 2004-05 seasons, and the shirt has also been worn by Daniel James, Ander Herrera and Rafael down the years.

Weeraryahan Diego Forlan ayaa ahaa ciyaaryahan caan ah oo soo qaaday lambarkan 21-aad intii u dhaxeysay xilli ciyaareedyadii 2000-01 iyo 2004-05, Maaliyadda lambarka 21-aad waxaa sidoo kale Man United u soo xirtay Daniel James, Ander Herrera iyo Rafael sanadihii dhowaa ee la soo dhaafay.

Gool FM.



from Gool FM https://ift.tt/vTwbsRr
via IFTTT

Post a Comment

0 Comments