Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo xalay u dabaal-degay saddex sanno guuradii ka soo wareegtay markii la magacaabay ayaa jeediyey khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah.
Cumar Filish ayaa si dadban uga hadlay qorshaha socdo ee ku aadan xilka qaadista ay la damacsan tahay Villa Soomaaliya, maadaama uu dalka ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee dib loogu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xilka uu yahay meerto, isla-markaana uu ogyahay in la beddelayo, balse uusan garaneyn cidda beddeysa, sida uu hadalka u dhigay.
“Mas’uuliyaddu waa meerto hadda waan joognaa, beri cid kale ayaa imaaneysa ma naqaano cidda na beddeli doonta, laakiin waxaan ognahay in nala beddalayo fursadda aan heysanaa waa inta aan joogno,” ayuu khudbaddiisa ku yiri guddoomiye Cumar Filish.
Sidoo kale wuxuu dardaaran culus u jeediyey mas’uuliyiinta kale ee gobolka Banaadir, isaga oo ka dalbaday inay la yimaadaan waxqabad muuqdo, si loo samata bixiyo dalka.
“Qof kasta oo naga mid ah mansabkiisa iyo mas’uuliyaddiisa ayaa xil uga saaran yahay inuu la yimaado waxqabad muuqdo, isaga oo aynan ka heyn is tus-tus oo ay ka tahay Ilaahey dartiis iyo jacey uu u qabo dalkiisa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Duqa Muqdisho.
Filish ayaa ka mid ah saaxibadii aadka ugu dhowaa Madaxweyne Farmaajo, waxaana aad loogu xasuustaa weerarkii uu qaaday mucaaradka dowladda, xilligii doorashooyinkii soo dhammaaday, isagoo markaas si cad u weeraray siyaasiyiin uu ka mid ahaa Xasan Sheekh.
Si kastaba, Duqa Muqdisho ayaa maraya marxaladdiisii ugu dambeysay, isaga oo haatan sugayo xilka qaadis uun, waxaana aheyd dhowaan markii ay Villa Soomaaliyaka reebtay shirka golaha amiga qaranka oo ka dhacay xafiiska gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia.
The post Filish oo ka hadlay qorshaha xilka qaadistiisa – “Ma qaano cida na baddeli doonto” appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/filish-oo-ka-hadlay-qorshaha-socdo-ee-xilka-qaadistiisa-ma-qaano-cida-na-baddeli-doonto/
0 Comments