(Liverpool) 01 Sebt 2022. Sida la wada ogyahay maanta waa maalinta ugu dambeysa suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga 2022, waxaana daqiiqad kastaba dhici kara in xiddig uu ka tago kooxdiisii kuna biiro naadi cusub.
Haddaba waxaa la soo warinayaa in kooxda kubadda cagta Liverpool ay qarka u saaran tahay haatan inay la soo wareegto xiddig khadka dhexe ka ciyaarta, inkastoo la filayey in Reds ay mar hore gacmaha ka laabatay suuqa kala iibsiga xiddigaha.
Liverpool waa ay ku qasbanaatay inay xiddigan khadka dhexe soo qaadato, maadaama iyadoo ay horay uga dhaawacnaayeen Thiago, Chamberlain, Keita iyo Jones uu haddana xalay dhaawac ku baxay Kabtankooda Jordan Henderson.
Suxufiga lagu kalsoon yahay ee wax ka qora suuqa kala iibsiga xiddigaha ee la yiraahdo Gianluca Di Marzio ayaa warinaya in Liverpool ay haatan qarka u saaran yihiin inay soo qaataan xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo.

Di Marzio waxa uu xusay in Reds ay aad ugu dhow dahay inay heshiis hal sano oo amaah ah ku soo qaadato xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/mRKbEQw
via IFTTT
0 Comments