(London) 16 Sebt 2022. Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa loo magacaabay tababarihii ugu fiicnaa bishii August ee horyaalka Premier League.
Tani waa markii seddexaad ee Mikel Arteta uu ku guuleysto abaal-marintan, wuxuuna noqday macalinkii labaad ee kooxda Arsenal kaddib Arsène Wenger, isaga oo xilli ciyaareedkan ku biloowday 5 guul oo xiriir ah horyaalka Premier League.
Qaabka xoogan ay kaga biloowatay Arsenal ee xilli ciyaareedkan, waxay qabatay hoggaanka horyaalka Premier League dhamaadkii bishii hore kaddib markii ay uruursatay 15 dhibcood.
Arteta wuxuu horey ugu guuleystay isla abaal-marin bishii September 2021 iyo bishii March ee la soo dhaafay.
Mikel Arteta ayaa ku garaacay abaal-marintan tababaraha Tottenham Antonio Conte, tababaraha Manchester City Pep Guardiola, tababaraha Brighton ee dhawaan loo magacaabay tababaraha Chelsea ee Graham Potter, iyo tababaraha Fulham ee Marco Silva.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/7sk3MTK
via IFTTT
0 Comments