(London) 31 Agoosto 2022. Shaxda rasmiga ah kulanka Kooxaha Arsenal iyo Aston Villa ee horyaalka Premier League ayaa la shaaciyey.
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa isku dayi doonta caawa inay gaarto guusheedii shanaad oo xiriir ah horyaalka Premier League xilli ciyaareedkiisa cusub ee 2022-23 marka ay garoonkooda Emirates ku soo dhoweynayaan Aston Villa.
Gunners ayaa haatan 12-dhibcood ku hoggaaminaysa horyaalka Premier League kaddib markii ay horay u soo guuleysteen afartii kulan oo ay ciyaareen illaa iyo haatan, balse Villa ayaa fadhisa kaalinta 16-aad ee kala horreynta horyaalka, kaddib markii ay kaliya saddex dhibcood ka heleen afartoodii kulan ee furitaanka horyaalka Premier League.
SAFAFKA RASMIGA EE LABADA KOOXOOD HALKAAN HOOSE KA EEG:-
Arsenal XI: Ramsdale, White, Saliba, Gabriel, Tierney, Lokonga, Xhaka, Odegaard, Saka, Jesus, Martinelli.
Subs: Turner, Smith Rowe, Nketiah, Holding, Cedric Soares, Tomiyasu, Vieira, Marquinhos, Smith.
Aston Villa XI: Martinez, Cash, Konsa, Mings, Digne, Kamara, McGinn, Bailey, Ramsey, Buendia, Watkins.
Subs: Olsen, Luiz, Ings, Chambers, Augustinsson, Young, Coutinho, Archer, Iroegbunam.
Gool FM.
from Gool FM https://ift.tt/mbtWZoJ
via IFTTT
0 Comments