TOOS: Daawo wareegga labaad ee doorashada oo laba musharax ay isugu soo hareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda la guda galay wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo lagu kala bixi waayey wareegii koowaad.

Labo musharax ayaa u gudubtay wareegga labaad ee doorashada, kuwaas oo kala ah, Xasan Cabdinuur oo wareegii koowaad helay 98-cod iyo Sheekh Aadan Madoobe oo isna wareegii koowaad helay 74-cod.

Cabdulaahi Black oo wareegii koowaad helay 33-cod iyo Aadan Saransoor oo isna wareegii koowaad helay 24-cod, isla markaana fursad u heystay inay u gudbaan wareegga labaad ayaa u tanaasulay Sheekh Aadan Madoobe.

Wareegii koowaad waxaa codadka loo kala helay sidaan:

1- Xasan Cabdinuur 98-cod
2- Sheekh Aadan Madoobe 74-cod
3- Cabdulaahi Black 33-cod
4- Aadan Saransoor 23-cod
5- Shariif Maxamed Cabdalla 13-cod
6- Cabdirashiid Maxamed Xidig 6-cod
7- Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi 5-cod.

Hoos ka daawo codeynta doorashada

The post TOOS: Daawo wareegga labaad ee doorashada oo laba musharax ay isugu soo hareen appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/toos-daawo-wareegga-labaad-ee-doorashada-oo-laba-musharax-ay-isugu-soo-hareen/

Post a Comment

0 Comments