Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo xoogan ka taagan tahay deegaanka Turbi oo hoostaga degmada Balanballe ee gobolkaas.
Xiisada dagaal ayaa waxay u dhaxeysa labo maleeshiyo Beeleed, kaasi oo salka ku haya falal aanooyin qabiil iyo dagaalo soo laab-laabtay oo muddooyinkii dambe ka dhacay deegaanka Turbi.
Sida ay sheegen dadka deegaanka maalmo ka hor un baa deegaankaas lagu dilay labo qof oo shacab ahaa, midaasi oo sare u sii qaaday xiisada dagaal ee ka taagan deegaankaas.
Cabsi iyo walaac hor leh ayaa soo food-saartay dadka deegaanka Turbi, oo la xiriirta in labada maleeshiyo Beeleed ay ku dul dagaalaman, ayna kasoo gaarto dhibaato hor leh.
Ma aha markii u horeysay ee xiisad dagaal beeleed laga dareemo deegaano ka tirsan maamulka Galmudug, hase yeeshe waa mid sanadihii u dambeeyay lala daala dhacayey dagaalka salka ku haya aanooyinka qabiil, kuwaasi oo maamulka Qoor-Qoor uu ku fashilmay wax ka qabashadiisa.
The post Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka taagan qeybo ka mid ah Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/wararkii-ugu-dambeeyay-xiisad-dagaal-oo-ka-taagan-qeybo-ka-mid-ah-galgaduud/
0 Comments