Muqdisho ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxayaa dagaal haatan ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Dagaalka oo ah mid culus ayaa ka qarxay inta u dhexeysa isgoyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer oo ku yaalla degmada Hodan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu u dhexeeyo ciidaamo boolis ah iyo kuwa milatari oo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Cali Yare oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi.
Sidoo kale Cali Yare ayaa meesha ka saaray in dagaalkan uu salka ku hayo arimo la xiriira siyaasad ama xiisada ka taagan Muqdisho.
“Waxaa jira is-rasaaseeyn muran dhul la xariirta. Kuma lug lahan wax siyaasad ah,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay illaa 3 qof oo shacab ah, wuxuu sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa dadka iyo sidoo kale gaadiidka.
Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana weli is hor fadhiya ciidamada ku dagaalamay aaga isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
The post Wararkii ugu dambeeyey dagaal saaka ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/deg-deg-dagaal-culus-oo-ka-socda-muqdisho/
0 Comments