Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyeyaasha ciidamada qeybahooda kala duwan ayaa haatan shir gaar ah wuxuu uga socdaa xarunta taliska Booliska ee magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taliyaha ciidanka Xoogga dalka, taliyaha ciidanka Asluubta, taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir iyo agaasimaha cusub ee uu dhowaan NISA sida ugu KMG ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ugu magacaabay Yaasiin Farey.
Ilo wareedyo lagu kasoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan diiradda lagu saarayo arrimaha ammaanka iyo xaaladaha soo kordhay, si loo adkeeyo nabad-gelyada.
Saraakiisha ayaa sidoo kale ka doodaya in aan ciidanku ku milmin siyaasada iyo adkaynta wada shaqeynta ka dhexeysa, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.
Dhinaca kale hadal heyn badan ayaa ka dhalatay ka soo dhex muuqashada shirkan ee Yaasiin Farey oo horey u ahaa agaasimaha NISA ee gobolka Banaadir, balse dhowaan Farmaajo uu u magacaabay inuu si KMG ah u sii hayo xilka agaasinka guud ee hay’adda.
Sidoo kale waxaa la filayaa in go’aano adag ay kasoo baxaan shirka, iyada oo faah faahinta laga sugayo saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa qeyb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ka socda caasimada, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda cusub ee soo kordhay.
Si kastaba khilaafka u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo ayaa u muuqdo mid kasii daraya, waxaana labada xafiis ay qaadayaan tallaabooyin liddi isku ah oo la xiriira awooda.

The post Taliyeyaasha ciidamada oo shir xasaasi ah ku leh xarunta booliska + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/sawirro-taliyeyaasha-ciidamada-oo-shir-xasaasi-ah-ku-leh-xarunta-booliska/
0 Comments