Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ahna haatan musharrax madaxweyne ayaa soo dhoweeyey heshiiska ay maanta magaalada Muqdisho ku gaareen guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed.
Ugu horreyn Khayre ayaa boggaadiyey heshiiska ay siyaasiyiinta gobollada waqooyi ka gaareen khilaafkii muddada ka taagnaa maamulka doorashada ee kuraasta Somaliland.
Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ku ammaanay labada garab inay si madax bannaan ay heshiis rasmiga uga gaaraan khilaafkii muddada u dhexeeyey.
“Waxaan aad u bogaadinayaa heshiiska ay gaareen siyaasiyiinta Gobollada Woqooyi ee ku aaddan in si mideysan loo wajaho doorashooyinka dalka meelna la iska dhigo wax kasta oo abuuri kara qilaaf sii ragaadiya doorashada. Waxaa amaan mudan sida ay iyagoo madax bannaan xal uga gaareen mugdigii ka dhex jiray arrimaha doorashooyinka ee Gobollada Woqooyi.” ayuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku yiri Xasan Cali Khayre.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan si gaar ah ugu amaanayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisulwasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare kaalinta ay ka qaateen xalka maanta laga gaaray qilaafka doorasho ee ka dhex jiray siyaasiyiinta Gobollada Woqooyo.”
Ugu dambeyn siyaasiga caanka ah ee Xasan Cali Kahyre ayaa tallaabo lagu farxo ku tilmaamay heshiiskan oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah, dalkuna uu ku jiro doorasho.
“Runtii waa tallaabo lagu farxo oo la qaaday xilli dalku ku jiro jawi doorasho. Waxaan ku dhiirrigelinayaa inay xoojiyaan wadajirkooda si ay heshiiskan uga miro-dhaliyaan,”.
Si kastaba guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa ku heshiiyey 4 qof, waxaana guddoomiyaha guddiga maamulaya doorashada qaatay Mahadi Guuleed, halka ku xigeenka iyo madaxa amniga la siiyey Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
The post KHAYRE oo war ka soo saaray heshiiska Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/khayre-oo-war-kasoo-saaray-heshiiska-cabdi-xaashi-iyo-mahdi-guuleed/
0 Comments