Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kala hoggaaminayey labada garab ee isku hayey maamulka doorashada ee kuraasta gobollada waqooyi ayaa maanta heshiis rasmi ah oo ka kooban 4 qodob ku gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa waxaa door muhiim ah ka qaatay guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaan Baashe Yuusuf Axmed oo isaguna kasoo jeeda deegaanada Somaliland.
Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ku heshiiyey in lasoo afjaro khilaafkii muddada ka taagnaa kuraasta gobollada waqooyi, waxaana guddoomiyaha guddiga la siiyey garabka Mahdi Guuleed, halka ku xigeenka iyo madaxa amniga la siiyey garabka Cabdi Xaashi
Waxaana ay kala yihiin qodobada heshiiska:-
1-In lasoo afjaro khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka kuraasta labada aqal ee ka soo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland).
2-In la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga maamulka doorashada heer Somaliland (GMDHSL), iyada oo garabka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ay qaadanayaan guddoomiye ku xigeenka guddiga iyo madaxa amniga iyo logistikada.
3-In lasoo afjaro iskooxaysigii iyo abaabulkii u dhexeeyey siyaasiyiinta gobollada waqooyi (Somaliland), loona midoobo hirgelinta doorasho hufan oo aan daahitaan laheyn.
4-In si sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda-galo hirgelinta doorashooyinka kuraasta labada aqal ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland.
Heshiiskan cusub ee ay wada gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahidi Guuleed ayaa meesha ka saaraya is jiid jiidkii u dhexeeyey labada garab, waxaana la filayaa in si deg deg ah loo guda-galo doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka imaanaya Somaliland.

The post Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo 4 qodob ku heshiiyey – Aqriso appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/aqriso-cabdi-xaashi-iyo-mahdi-guuleed-oo-4-qodob-ku-heshiiyey/
0 Comments