Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday majaajiliistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis), kaas oo maalmihii dambe ku xanuunsanayey gudaha caasimada.
Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo bahda TV-ga Universal oo uu haatan la shaqeynayey Ajakis.
“Allaha unaxariisto, majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ka mid ahaa hawl-wadeenada Tv-ga Universal oo goordhaw ku geeriyooday Muqdisho,” ayaa lagu yiri wr qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Telefishinka caalamiga ah ee Universal.
Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) ayaa saddexdii maalin ee la soo dhaafay ku jiray mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ,halkaas oo lagu la tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun deg deg ah oo ku soo booday, xilli uu ku sugnaa xaafadiisa.
AUN marxuumka ayaa caan ku ahaa jiliinka iyo madadaalada, isaga oo tabin jiray barnaamijyo toos ah.
Geeridiisa ayaa waxaa ka tacsiyeeyey qeybaha kala duwan ee Fanka Soomaamliyeed iyo sidoo kale madaxda wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya.
The post Jilaagii caanka ahaa ee Ajakis oo ku geeriyooday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/majaajiliistihii-caanka-ahaa-ee-ajakis-oo-ku-geeriyooday-muqdisho/
0 Comments