Hargeysa (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay diyaar u yihiin qaabilida qaar ka mid ah qaxootiga ka cararaya Afghanistan, kadib markii ay dagaalkaas la wareegtay kooxda Taalibaan.
Sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay wada-hadal kula jirto dowladda Mareykanka, kaas oo ku aadan sidii dib u dajin KMG ah loogu sameyn lahaa dadka uu Mareykanka kasoo daabulayo magaalada caasimada ah ee Kabul.
“Waanu aqbalay in aanu qoxootiga reer Afghanistan u marti galino si ku meel gaadh ah” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ee la hadlay AFP.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in wada-hadalka uu weli socda, isla-markaana loo baahan-yahay in la dhamaystiro adeegyada aas aasiga ah ee qaabilada qaxootida.
Ma shaacin sarkaalkan wakhtiga rasmiga ah ee uu qaxootigu reer Afghanistan imaanayo deegaanada maamulka Somaliland.
Hadalka Somaliland ayaa ku soo aadaya, xilli Mareykanka uu raadinayo meelo si KMG ah loo sii dajiyo qaxootiga Afghanistan, iyada oo dalkii ugu horreeyey ay noqotay Uganda.
Si kastaba garoonka diyaaradaha Kabul oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka ayaa waxaa ku sugan boqolaal reer Afghanistan ah, kuwaas oo ka cararaya xukunka Taalibaan.
The post SOMALILAND oo aqbashay dalabkii Mareykanka ee qaxootiga Afghanistan appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/somaliland-oo-aqbashay-dalabkii-mareykanka-ee-qaxootiga-reer-afghanistan/
0 Comments