Ciidamada NISA oo saddex Wariye ku xiray magaalada Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda ee ka howlgala magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa saaka magaaladaasi ku xiray saddex Wariye oo howlo shaqo u tegay gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Wariyeyaasha oo haatan xabsiga loo taxaabay ayaa waxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, xilli ay kusoo jeedeen dhanka magaalada Muqdisho.

Saddexda Wariye ee la xiray ayaa kala ah:- Hanad Cali Guuleed oo ah xoghayaha tababarada Ururka suxufiyiinta SJS, tababare saxaafadeed Maxamed Bishaar Barre Jaamac, Wariye Maxamed Ibraahim Bulbul oo isna ah xoghayaha Xuquuqda Aadanaha ururka SJS.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo xiray Wariyeyaashan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska NISA iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca war kasoo baxay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa looga hadlay xarigga lagula kacay saddexdaasi Wariye, waxaana Ururka uu tilmaamay in si sharci darro ah loo xiray, islamarkaana wuxuu shaaca ka qaaday inay cambaaranayo tallaabadaasi.

“SJS waxay cambaareyneysaa falkan sharci darrada ah ee ka dhacay garoonka Baydhabo saaka ee lagu beegsaday hawl-wadeennada Somali Journalists Syndicate – SJS,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Ururka SJS ayaa dalbaday in xorriyadooda dib loogu soo celiyo saddexdaasi Suxufi oo uu fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lagu siidaayo saddexda hawl-wadeen ee sharci darrada ku xiran” ayaa lagu yiri qoraalka SJS.NISA oo Baydhabo ku xirtay wariyayaal safar usoo ahaa magaalada Muqdisho,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Xarigga lagula kacay Wariyeyaashan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horey ay dowladda Soomaaliya xabsiga u dhigtay Cabdalla Axmed Muumim oo ah xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaaliyeed ee SJS, kaas oo laga mamnuucay inuu ka baxdo gudaha dalka.

The post Ciidamada NISA oo saddex Wariye ku xiray magaalada Baydhabo appeared first on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/ciidamada-nisa-oo-saddex-wariye-ku-xiray-magaalada-baydhabo/

Post a Comment

0 Comments